The Best CEFR English Level Test for Somali Learners
CEFR English Level Assessment for Somalis
Ku soo dhawaaw Waxkabaro Academy! Imtixaankan wuxuu ka kooban yahay 15 su’aalood oo loogu talagalay in lagu ogaado heerkaaga luuqadda English-ka.
Sida uu u shaqeeyo (How it works):
- Ka jawaab su’aalaha (Take the 15-question test).
- Hel natiijadaada (Get your CEFR score instantly).
- Nidaamkeena ayaa si toos ah kuugu dooran doona koorsada kugu habboon (A1 ilaa B1) si aad u bilowdo barashada!
Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo (FAQs)
💬 Halkee baan ku tijaabin karaa heerkayga luuqada English-ka? (Where can I test my English level?)
Waxkabaro Academy waxay bixisaa imtixaan CEFR ah oo bilaash ah kaas oo si gaar ah loogu talagalay ardayda Soomaaliyeed. Wuxuu ku tusayaa heerkaaga saxda ah laga bilaabo A1 ilaa C1.
💬 Sidee casharada loo qaadanayaa? (How will I learn?)
Waxbarashadu waa mid casri ah oo isku dhafan! Ardaydu waxay helayaan muuqaalo (videos), codad (audio), qoraalo, iyo kedisyo (quizzes) ku dhex jira website-keena iyo application-keena. Intaas waxaa dheer, waxaad heli doontaa 2 Live Speaking Sessions (Fasalo toos ah) asbuuc walba oo ay hogaaminayaan macalimiin khibrad leh si ay uga jawaabaan su’aalahaaga, kaagana caawiyaan inaad si kalsooni leh u hadasho.
💬 Maxaa xiga marka aan imtixaanka qaado? (What happens after the test?)
Markaad dhamayso 15-ka su’aalood ee qiimaynta, nidaamkeena ayaa si toos ah kuugu xiri doona barnaamijka kuugu habboon (A1, A2, B1, B2, ama C1) si aad markiiba waxbarashada u bilowdo.
💬 Waa maxay nidaamka CEFR? (What is CEFR?)
CEFR (Common European Framework of Reference) waa nidaamka caalamiga ah ee lagu cabbiro heerka luuqadaha. Waxkabaro Academy waxay u isticmaashaa nidaamkan si ay kuugu diyaariso xirfadaha wada-sheekaysiga, shaqada, iyo jaamacadaha.
